__gaTracker('require', 'displayfeatures'); __gaTracker('require', 'linkid', 'linkid.js'); __gaTracker('send','pageview', location.pathname + location.search + location.hash); } else { console.log( "" ); (function() { /* https://developers.google.com/analytics/devguides/collection/analyticsjs/ */ var noopfn = function() { return null; }; var noopnullfn = function() { return null; }; var Tracker = function() { return null; }; var p = Tracker.prototype; p.get = noopfn; p.set = noopfn; p.send = noopfn; var __gaTracker = function() { var len = arguments.length; if ( len === 0 ) { return; } var f = arguments[len-1]; if ( typeof f !== 'object' || f === null || typeof f.hitCallback !== 'function' ) { console.log( 'Not running function __gaTracker(' + arguments[0] + " ....) because you are not being tracked. " + mi_no_track_reason ); return; } try { f.hitCallback(); } catch (ex) { } }; __gaTracker.create = function() { return new Tracker(); }; __gaTracker.getByName = noopnullfn; __gaTracker.getAll = function() { return []; }; __gaTracker.remove = noopfn; window['__gaTracker'] = __gaTracker; })(); }
 

Antoine Griezmann oo sheegay inuu layaabay hogaamintii Paul Pogba intii lagu gudo jiray koobkii aduunka.

Antoine Griezmann oo sheegay inuu layaabay hogaamintii Paul Pogba intii lagu gudo jiray koobkii aduunka.

Antoine Griezmann oo qayn ka ahaa kooxdii ku guulaysatay koobkii aduunka ee dhawaan soo idlaaday ayaa sheegay inay layaab ku noqotay hogaamintii Paul Pogba intii uu socday koobka aduunku.

waxaa uu amaanay xidiga kooxda Manchester isagoo sheegay in uu layaabay hogaamintiisa iyo waliba sida hadalkiisu saamaynta u lahaa qolka labiska dhexdiisa.

Pogba ayaa fure u ahaa guushii uu Faransiisku ka gaadhay koobka aduunka isagoo dhaliyay mid kamida afartii gool ee guushu ku raacday qarankiisa.

Mudo yar uun kadib markii koobka aduunku soo gabagboobay ayaa waxaa internetka lagu arkayay video muujinaya sida qolka labiska dhexdiisa uu Pogba ugu dhiiri galinayay saxiibadii, taas oo layaab ku noqotay Antoine Griezmann. “Paul runtii wuu na dhiiri galiyay qolka labiska dhexdiisa, waxaa uu isticmaalay erayo ku haboon goobta iyo wakhtiga dhamaantayona layaab ayay nagu noqotay” ayuu u sheegay jariirada Faransiiska ah ee ​L’Equipe.

Markasta oo uu hadlo waxaan ku sigtay inaan qoslo, had iyo jeer waa nin kaftama, taasina waa sababta uusan iisoo eegin marka uu hadlayo wuu ogyay in aan qosli doono taasina laga yaabo inay isaga kaqosliso (oo ka carqaladayso hadalkiisa).

Kooxda qaranka Faransiiska ayaa dib u midoobay kadib guushii koobka aduunka iyagoo u diyaar garoobaya ciyaarta ay la ciyaari doonaan Germany.

Attachment

Leave a Comment