__gaTracker('require', 'displayfeatures'); __gaTracker('require', 'linkid', 'linkid.js'); __gaTracker('send','pageview', location.pathname + location.search + location.hash); } else { console.log( "" ); (function() { /* https://developers.google.com/analytics/devguides/collection/analyticsjs/ */ var noopfn = function() { return null; }; var noopnullfn = function() { return null; }; var Tracker = function() { return null; }; var p = Tracker.prototype; p.get = noopfn; p.set = noopfn; p.send = noopfn; var __gaTracker = function() { var len = arguments.length; if ( len === 0 ) { return; } var f = arguments[len-1]; if ( typeof f !== 'object' || f === null || typeof f.hitCallback !== 'function' ) { console.log( 'Not running function __gaTracker(' + arguments[0] + " ....) because you are not being tracked. " + mi_no_track_reason ); return; } try { f.hitCallback(); } catch (ex) { } }; __gaTracker.create = function() { return new Tracker(); }; __gaTracker.getByName = noopnullfn; __gaTracker.getAll = function() { return []; }; __gaTracker.remove = noopfn; window['__gaTracker'] = __gaTracker; })(); }
 

FALAN QAYN: SABABTA LOOGA REEBAY MESSI SADEXDA NIN EE U TARTAMAYA LAACIBKA DUNIDA

FALAN QAYN: SABABTA LOOGA REEBAY MESSI  SADEXDA NIN EE U TARTAMAYA LAACIBKA DUNIDA
Maxaa Messi sanadkan looga reebay tartamayaasha laaciba Dunida ugu fiican?

Waa suaal Bahweynta kubada Cagtu waayadan falan qaynayeen sababta Messi looga reebay sadexda nin ee iskugo soo hadhay hanashada laacibka dunida. Laacibkan reer Argentine oo sanadkan kula guulaystay kooxdiisa Barcelona labada koob ee laga ciyaaro Isbanishka.

Waxay dad badani ku doodayaan inay Fifa iska indha tirtay waxqabadkiisi laxaadka lahaa ee sanadkan uu muujiyey.

Ciyaartoyga ciyaaraha ka fadhistay ee reer Ingriiis Gary Lineker oo hada ciyaaraha falanqeeya ayaa wuxu ku doodayey ”Cidkasto ciyaaraha wax ka taqaana way ku soo dari lahaayeen Messi  sadexda nin ee tartamaya” isagoo arinkaa ku sababeeyey hanashada uu ku guulaysta  labada koob ee Ispanishka laga ciyaaro.

wuxuu sidoo kale hadalkiisa raaciyey ”Hanashada horyaaladu waxay ahaan jirtay tijaabada ugu culus ee ay maraan kooxaha iyo ciyaartoyguba laakinse waxaad mooda inay Fifa arinkaa imika iska indha tireen.

Waxa sidoo kale ka hadlay laacibka u dheela qaranka Brazil iyo Kooxda Atletico Madrid Filipe Luis ”Inkastoo sanadkan laga reebay tartamayaasha hadana, Messi waa laacibka adunka ugu fiican. Abaal marintu waxay ka jawaab bixinaysa laacibka dunida aniga, hadii lay waydiiyo waxaan odhanayaa  waa Messi. Hadii laga reebay waxa luntay qiimihii ay lahayd abaal marintu. cidii doonta haku guulaysato koobka aduunka ama horyaalka yurub anigu waxaan odhanayaa Messi waa laacibka aduunka ugu fiican.

Laacibkii weynaa ee Ronaldinho ayaa isna wuxu ka yidhi ”Messi waa laacibka ugu weyn ee kubada cagta soo marray taasna shaki kuma jiro. Ciddi may samayn wuxu sameeyey”

 

Attachment

Leave a Comment