__gaTracker('require', 'displayfeatures'); __gaTracker('require', 'linkid', 'linkid.js'); __gaTracker('send','pageview', location.pathname + location.search + location.hash); } else { console.log( "" ); (function() { /* https://developers.google.com/analytics/devguides/collection/analyticsjs/ */ var noopfn = function() { return null; }; var noopnullfn = function() { return null; }; var Tracker = function() { return null; }; var p = Tracker.prototype; p.get = noopfn; p.set = noopfn; p.send = noopfn; var __gaTracker = function() { var len = arguments.length; if ( len === 0 ) { return; } var f = arguments[len-1]; if ( typeof f !== 'object' || f === null || typeof f.hitCallback !== 'function' ) { console.log( 'Not running function __gaTracker(' + arguments[0] + " ....) because you are not being tracked. " + mi_no_track_reason ); return; } try { f.hitCallback(); } catch (ex) { } }; __gaTracker.create = function() { return new Tracker(); }; __gaTracker.getByName = noopnullfn; __gaTracker.getAll = function() { return []; }; __gaTracker.remove = noopfn; window['__gaTracker'] = __gaTracker; })(); }
 

ISCO OO SHEEGAY REAL MADRID ILAA HADA INAANAY TABIN C.RONALDO

ISCO OO SHEEGAY REAL MADRID ILAA HADA INAANAY  TABIN C.RONALDO
Isco: ilaa hada  kooxdayadu may tabin C.Ronaldo

Kooxda Real Madrid oo dar dar iyo awood ku bilawday horyaalka Isbanishka ayaa laacibka Isco wuxuu sheegay inuu Aaminsan yahay inay kooxdu socon karto Ronaldo la’aanti.

Inkastoo kooxda Real Madrid ay ku guuldaraysatay inay ka  hanato UEFA Super Cup. dhigeeda ay isu magalada Yihiin Atletico Madrid hadna, waxaan shaki ku jirin inay ku bilaabeen Horyaalka awood iyagoo sadexdii ciyaarood ee Laciyaaray badiyey, waxay dhaliyeen 10 gool. todoba kamida waxa dhaliyey Karim Benzema iyo Gareth Bale.

Isco shir jara’iid wuxuu ku sheegay ”Ronaldo waa ciyaartoy tayo sare leh wuxuu ku dhalinayaa 40 ama 50 gool hal Xili ciyaareed. laakin, waxa xaqiiqa ah hadaanu badani waxa la odhanayaa waxba umay tabin, hadii nalaga badiyana Waxa lo odhanayaa way tabeen.

”Ilaa hada si fiican ayaanu iskula haysana; ciyaartoy aan goolal badan dhalin jirin ayaa hada dhalinaya, ilaa imikana maanu tabin Ronaldo. Isagana waxaan u rajanayaa mustaqbal ifiya inuu la qaato kooxdiisa Juventus.

Leave a Comment