__gaTracker('require', 'displayfeatures'); __gaTracker('require', 'linkid', 'linkid.js'); __gaTracker('send','pageview', location.pathname + location.search + location.hash); } else { console.log( "" ); (function() { /* https://developers.google.com/analytics/devguides/collection/analyticsjs/ */ var noopfn = function() { return null; }; var noopnullfn = function() { return null; }; var Tracker = function() { return null; }; var p = Tracker.prototype; p.get = noopfn; p.set = noopfn; p.send = noopfn; var __gaTracker = function() { var len = arguments.length; if ( len === 0 ) { return; } var f = arguments[len-1]; if ( typeof f !== 'object' || f === null || typeof f.hitCallback !== 'function' ) { console.log( 'Not running function __gaTracker(' + arguments[0] + " ....) because you are not being tracked. " + mi_no_track_reason ); return; } try { f.hitCallback(); } catch (ex) { } }; __gaTracker.create = function() { return new Tracker(); }; __gaTracker.getByName = noopnullfn; __gaTracker.getAll = function() { return []; }; __gaTracker.remove = noopfn; window['__gaTracker'] = __gaTracker; })(); }
 

Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez oo lagu tuhmayo inuu ka danbeeyay in uu Ronaldo waayo abaalmarinta xidiga ugu wanaagsan yurub.

Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez oo lagu tuhmayo inuu ka danbeeyay in uu Ronaldo waayo abaalmarinta xidiga ugu wanaagsan yurub.

Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Peres ayaa lasheegayaa inuu sabab u ahaa in Ronaldo Seego Abaalmarinta Xidigii ugu wanaagsanaa qaarada Yurub ee sanadkii tagay, taas oo uu ku guulaystay xidigii ay isku kooxda ahaayeen ee Luka Modric.

Waxay wararku intaa ku darayaan in Peres uu saaray cadaadis haayada bixisa abaalmarinta ee UEFA, Sida ay qorayso wakalada wararka ee Tuttosport waxaa caruurnimo iyo xaasid nimo lagu tilmaamay ficilkii Ronaldo uu kaga baaqsaday inuu kasoo xaadiro xafladii lagu bixinayay abaalmarinta isaga oo kacadhooday in guushu isaga aysan raacin, hase yeeshee saxbkii uu guulaystay.

Sikastaba ha ahaato waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxwaynaha Real Madrid uu dadaal u galay sidii Modric uu ku hanan lahaa abaal marintaas.

Ronaldo, Mohamed Salah iyo Modrich ayaa ahaa kuwa isugu soo hadhay wareega kama danbaysta, hase yeeshee waxaa si lama filaan ah ku hantay Luka Modrich la soo qaatay Wakhti cajiib ah kadib markii uu Real ka caawiyay Inay ku guulaystaan sadex champions League oo xidhiidh ah kadibna uu qarankiisa ku hogaamiyay ciyaartii kama danbaysta ahayd ee koobka aduunka.

Waxaa goobta xaflada kusugnaa Wakiilka Cristiano Ronaldo, Jorge Mendes kaasoo wax laga xishoodo ku tilmaamay in aanu Ronaldo ku guulaysan abaalmarinta, waxaa sidoo kale dhaleecayn soo jeediyay gabadha la dhalatay Ronaldo.

Waxaa isaguna Ronaldo dhaleeceeyay Macalinka qaranka Croatia oo Ronaldo ku tilmaamay qof xaasida oo kaligii wax walba isla jecel.

Attachment

Leave a Comment