__gaTracker('require', 'displayfeatures'); __gaTracker('require', 'linkid', 'linkid.js'); __gaTracker('send','pageview', location.pathname + location.search + location.hash); } else { console.log( "" ); (function() { /* https://developers.google.com/analytics/devguides/collection/analyticsjs/ */ var noopfn = function() { return null; }; var noopnullfn = function() { return null; }; var Tracker = function() { return null; }; var p = Tracker.prototype; p.get = noopfn; p.set = noopfn; p.send = noopfn; var __gaTracker = function() { var len = arguments.length; if ( len === 0 ) { return; } var f = arguments[len-1]; if ( typeof f !== 'object' || f === null || typeof f.hitCallback !== 'function' ) { console.log( 'Not running function __gaTracker(' + arguments[0] + " ....) because you are not being tracked. " + mi_no_track_reason ); return; } try { f.hitCallback(); } catch (ex) { } }; __gaTracker.create = function() { return new Tracker(); }; __gaTracker.getByName = noopnullfn; __gaTracker.getAll = function() { return []; }; __gaTracker.remove = noopfn; window['__gaTracker'] = __gaTracker; })(); }
 

Miyay Real Madrid ka raysatay Cristino Ronaldo.

Miyay Real Madrid ka raysatay Cristino Ronaldo.

Inkastoo jaahwareer iyo walaac laga dareemayay caasimada Spain ee Madrid markii uu si kadis ah uga baxay xidiga ugu goolasha badan taarikhda Real Madrid ee CR7, waxaa iska cad in Real Madrid ay ku bilaabatay si xoog leh horyaalka Laliga sanadkan.

Waxaa jiray kaftan laysla dhex marayay jamaahiirta Real qaar kamid ah: Hada CR7 wuu baxay markaa waxaa waxay si sahlan u odhankaraan (ciyaartoyda madri) wax had iyo jeer iska cadaa oo ah in xidiga ugu wanaagsan dunida uu yahay Messi.

 

Inkasto kaftan, dacaayad iyo hadalo laysla dhex marayay hadana waxaan shaki ku jirin in Ronaldo uu ahaa xidiga hogaanka u hayay kooxda Real Madrid, waxaan se sheki ku jirin in Ay u bilaaban doonto waayo cusub kooxdan iyo ciyaartoydaba.

 

Hadaba si aan u milicsano sida ay noloshu noqon doonto CR7 dabadii, bal aan eegno sidii wax ahaayeen markii uu ku sugnaa caasimada Spain:

Shan sano kahor Ciyaar yahan wayn oo Real Madrid katirsanaan jiray ayaa sheegay isaga oo magaciisa qariyay in aysan jiri doonin cid u ooyi doonta Ronaldo marka uu baxo, waxkhtigaas oo uu Ronaldo ku jiray waayihiisa ciyaareed meeshii ugu saraysay.

Runta ayaa ah – dadka qaar ay dareensanaayeen in CR7 uu ahaa mid naftiisa lajecel wax kasta, isla markaana faraxsan marka uu gool isagu dhaliyo, iyo in uu aamin sanaa in uu yahay mid u muhiim ah sida kooxda oo dhan taasoo dadka qaar aysan la dhacsanayn.

Markii uu Jose Mourinho jooga kooxda 2010 – 2013, qaar badan oo kamida kooxda Real Madrid waxaa loo sheegay inay si furan u amaanaan CR7.

Taasi waa markii kaliya ee CR7 uu difaacay Jose Mourinho isagoo kasoo horjeestay dadka kooxda maamula isla markaana uu noqday ciyaartoyga ugu muhiimsan qolka labiska, isaga iyo Ramos.

Sida runta ah Ronaldo Muu ahayn qofka loogu jecelyay qolka labiska marka laga reebo Marcelo. Qofkasta oo kale waxaa kala dhexeeyay xidhiidh iska caadi ah.

 

Cristiano Ronaldo Real Madrid Champions League final 260518

 

Markii waxkhtigii ronaldo soo idlaaday, kadib markii Madaxwaynaha kooxda Florentino Perez uu diiday dalabkiisii heshiiskordhinta – CR7 waxaay kooxdu ku dirqiday in uu saxeexo waraaq uu ku cadaynayo in isagu uu dalbaday inuu kooxda ka tago, taasi waa sababta uu CR7 uu qaadacay in loo sameeyo Nabadgalyayn taasoo kadhigan in uu Florentino Perez dhinac istaago oo goob kawada hadlaan.

 

Hadaba suaasha la is waydiinayaa waxay dahay maxaa udanbayn doona RealMadrid?

Hadaba kooxda waxay ku guuldaraysatay in ay soo xero galiso ciyaartoy wayn oo magac iyo xirfadleh, sababtuna maaha inaysan isku dayin arrintaas – markiiba waxay u dhaqaaqeen Kylian Mbappe si ay ugu diyaar garoobaan bixitaanka Ronaldo, hadana waxay u muuqdeen kuwo u dhaqaaqaya dhinaca Neymar, labadaba waxaa si adag gaashaanka u daruurtay PSG.

Markii ay ku guul daraysteen bartilmaameed koodii waxaa usoo hadhay laba fursadoo mid: In ay soo iibsadaan ciyaarto marka horeba doonaysay inay Real kusoo biiraan sida Robert Lewandowski iyo inay aaminaan ciyaartoyda ay haystaan meelaha kale ee ay iska adkayn karaana iska adkeeyaan.

 

Dadka kooxda u taliya waxay isku qanciyeen inaysan jirin sabab lacag loogu khasaariyo ciyaartoy aan aad uga wanaagsanayn ku hada kooxda kusugan.

Tani waxay ahayd siyaasada kooxda sanidihii udanbeeyay, taasoo ay ugu danbaysay ciyaartoy wayn oo ay soo iibsadaan  James Rodriguez sanadkii 2014. Real Madrid waa koox wayn, waxayse ku khasbantay inay ka warwarto jeebkeeda, waxaana lagu qiyaasaa daynta lagu leeyay $697m.

Ronaldo bixidiisu waxay albaabada ufurtay Karim Benzema, Gareth Bale iyo Marco Asensio si ay awoodooda uxoojiyaan. Hadaba inkastoo ay jireey shaki iyo walaacyo ilaa hada waxay u egtay in kooxdu aysan wax dhib ah lakulmin. waxaanad mooda hada in wada shaqaynta kooxda iyo kubad haysashadu ay kor u kacday.

Qaab ciyaareedka Bale ayaa ahaa mid si aada kor ugu kacayay tan iyo xagaagii hore waxaana uu shabaqa soo taabtay toban jeer tobankii kulan ee ugu danbeeyay, halka uu Asension Ku guulaystay Sadex gool kulaad (Penalties) intii uu horyaalku socday.

Gareth Bale Karim Benzema Real Madrid

Benzema sidoo kale wuxuu lasoo baxay qaab ciyaareed ilqabad leh, waxaa uu dhaliyay kaliya shan gool xagaagii hore, hadase waxaa uu shabaqa ruxay afar jeer sadexdii ciyaarood ee uu horyaalku socday. waxaa uu faaiido ka helay kubad haysashada Real Madrid lasoo baxday.

Isaga oo ay caawinayaa Dani Carvajal iyo Marcelo labad dhinac iyo waliba Asensio, waxaa uu fursad u haystaa inuu kamid noqdo ciyaartoyda dunida ugu wanaagsan xili ciyaareedkan, waxaanu gaadhi karaa 20 gool iyo wixii kabadan.

 

 

Leave a Comment